HORDHAC: Brentford v Liverpool – Reds Oo Wali Kaalmaha Sarre Eryanaya, Gakpo, Shaxaha & Xogaha Kulanka

0
102

Liverpool ayaa markale wareega 18aad ee horyaalka Premier League oo isla caawa bilaabmaya booqanaysa kooxda Brentford.

Reds ayaa isha ku haya guushii saddexaad ee xidhiidh ah tan iyo kusoo laabashadii Premier League iyagoo haatan jooga booska lixaad ee kala sarreynta ayay u socdaan guul kale oo ay afarta kaalmood ee sarre ugu dhawaadaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Brentford ayay ka maqnaan doonaan Kristoffer Ajer, Aaron Hickey iyo Shandon Baptiste. Sidoo kale weeraryahan Ivan Toney oo dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ayaa maqnaanaya walow ay jiraan warar kale oo sheegaya inuusan dhaawacaasi waxba ahayn.

Kooxda martida ah ayay iyadana ka maqnaan doonaan Arthur Melo, Luis Diaz, iyo Diogo Jota xilli saxeexa cusub ee Cody Gakpo uu kulankiisii koowaad meteli karo.

Gakpo ayaa kasoo muuqan kara garabka bidix ee uu kulamadii ugu dambeeyay ka ciyaarayay Chamberlain.

Fabinho oo arrimo shaqsi ah ku seegay guushii Leicester City ayaa khadka dhexe ee Reds kusoo laaban kara halka Joel Matip markale daafaca dhexe kaga soo hormari karo Ibrahima Konate.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Brentford (3-5-2): Raya; Zanka, Pinnock, Lee; Roerslev, Jensen, Norgaard, Janelt, Henry; Wissa, Mbeumo

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Keita, Fabinho, Thiago; Salah, Nunez, Gakpo

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Gtech Community Stadium

Garsoore: Stuart Atwell

Wakhtiga: 8:30 habeenimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here