Hordhac: Bayern Munich Vs Liverpool

0
497

Kismaayo (Waamo Radio) Kulan xiiso leh ayaa dhex mari doona kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool kaas oo ka tirsan lugtii 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Labada Kooxood ayaa kulanka u soo galay iyaga oo u siman u soo bixida wareega 8 dhamaadka marka loo eego in ay kulankii hore ku kala bexeen bar-baro goolal la,aan ah.

Bayern Munich ayaa ku soo baxda guul kasta halka bar-baro gool la,aan ahna ay rikoodhayaal gaadhi doonto si ay labada kooxood ugu kala baxaan.

Dhanka kale Liverpool ayaa u soo baxda guul kasta iyo waliba bar-baro walba oo aan ahayn 0/0 oo ay markii hore labada kooxdoo ku soo kala bexeen.

Kulanka: Bayern Munich Vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Allianz Arena

WARARKA KULANKA:

Bayern Munich ayaa kaliya badisay hal kulan 8-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay tartanka champions League la ciyaartay waxana ay guushaas timid November 1971 iyada oo uga badisay 3/1.

68% Kooxaha 0/0 ku gala meel ka baxsan garoonkooda lugta 1-aad kulamada bug baxa ayaa u soo baxay wareega xiga iyada oo 21 kooxood.

Bayern Munich ayaa kaliya ku fashilantay in ay gool dhaliso wareega 16-ka hal mar tartanka champions League waxana uu kulankaas ahaa Kulan ay 0/0 la galeen Sevilla.

Liverpool ayaa guuldaro la kulantay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay tartanka champions League ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda Laakiin waligood 5 kulan oo xiriir ah guuldaro lamay kulmin.

www.radiowaamo.so

Cowke Uk

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here