HORDHAC: Aston Villa v Liverpool

0
114

Liverpool ayaa caawa booqanaysa dhigeeda Aston Villa kulankeeda xiga ee Premier League iyadoo rajaynaysa inay kasoo hesho dhibco ay afarta kaalmood ee sarre ee Premier League ugu dhawaato.

Reds ayaa qaab xun ku bilawday xilli ciyaareedka iyagoo haatan booska lixaad kaga jira kala sarreynta, si lamid ah Villa ayaa qaab aad u xun ku bilawday horyaalka balse fiicnaa tan iyo markii ay magacaabeen macalin Unai Emery.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Aston Villa ayuu ka maqnaan doonaa daafaceeda dhexe ee Diogo Carlos oo wali dhaawacan si lamid ah Philippe Coutinho ayaa isaguna seegaya kahor taga kooxdiisii hore.

Goolhayaha Argentina ee Emilaino Martinez oo dhawaan Koobka aduunka kusoo guuleystay ayaa lagu wadaa inuu isaguna seego ciyaartan iyadoo Robin Olsen goolka kusoo bilaabanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here