Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Arsenal iyo Tottenham ayaa maanta gegida Emirates Stadium fooda isku dari doona kulann lagu sifayn karo midkii ugu muhiimsanaa ee North London Derby ah taariikhda dhaw.
Arsenal ayaa ah haatan hoggaamiyayaasha Premier League iyagoo hal dhibic ka sarreeya Tottenham iyo Man City taas oo ciyaartan ka dhigaysa mid hoggaanka lagu dagaalamayo.
Mikel Arteta ayaa awooday inuu wararka xiddigaha dhaawacan ee kooxdiisa aad u sugo oo ay adkaatay in war cad la helo xilli uu shaki ku jiray taam ahaanshaha Thomas Partey, Zinchenko iyo Kieran Tierney.
Shalay ayay ahayd markii uu tababaraha ree Spain xaqiijiyay inay saddexdaas xiddigba qayb ka yihiin safka kooxdiisa ee kulanka isku diyaarinaya.
Sidoo kale kabtan Martin Odegaard oo dhaawac ku seegay kulankii ugu dambeeyay ayaa lagu wadaa inuu kusoo bilawdo oo taam u noqdo ciyaartan.
Dhinaca Tottenham warka naxdinta ku ah Antonio Conte ayaa ah dhaawaca Dejan Kulusevski oo muhiim ka ahaa shaxdiisa, Richarlison saddexda weeraryahan kula biiri karo Son iyo Harry Kane.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Arsenal (4-3-3) – Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel, Tierney; Odegaard, Partey, Xhaka; Saka, Jesus, Martinelli
Tottenham (3-4-2-1) – Lloris; Romero, Dier, Lenglet; Royal, Bentancur, Hojbjerg, Perisic; Richarlison, Son; Kane
Xogaha Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Emirates Stadium
Wakhtiga: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Anthony Taylor