Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Suuqayada lagu iibiyo Khudaarta ee magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa hoos u dhac balaaran oo ku yimid qiimaha Khudaarta.
Hoos u dhaca ku yimid qiimaha khudaarta waxaa sababay iyadoo suuqa la keenay Khudaar badan islamarkaana uu hakad ku yimid gaadiidka ka dhoofin jiray Magaalada Khudaarta maadamaa roobabka Gu’ga ay saameeyeen wadooyiinkii ay mari jireen Gawaaridaan.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.