Hazard oo ka hadlay dareenkiisa kaddib dhaawacyada soo noqnoqday uu la kulmay tan iyo markii uu yimid Real Madrid

0
299

Madrid(Idaacadda Waamo)-Xiddiga reer Belguim iyo Real Madrid ee Eden Hazard ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan dhaawacyada soo noqnoqday tan iyo markii uu ku soo biiray Los Blancos, iyo sidoo kale mustaqbalkiisa kooxda, wuxuuna sidoo kale kaga nixiyay taageerayaasha Chelsea hadal xamaasad leh.

Eden Hazard ayaa wareysi uu ku bixiyay Majalada “the Front Foot” wuxuu ku sheegay:

“Dhaawacyada i soo gaaray waxay u baahan yihiin waqti si aan uga soo kabto, hadda waa inaan sugnaa, si adag u shaqeynaa oo aan soo fiicnaano, waxaa nasiib ku leeyahay in marka aan dhaawacmo aan guriga joogo, si ay qoyskeyga ii caawiyaan iina taageeraan.”

“Ma ahan dhamaadka adduunka, maxaa yeelay waxaan waqti badan la qaadan karaa caruurtayda, markaad kaligaa noqoto way adkaan kartaa.”

“Waxaa jira shaqsiyaad jooga Real Madrid oo caawiya ciyaartoyda, laakiin markii aan imid waxaan ku iri waxaan doonayaa inaan wax walba aniga sameysto, waxaan helay guri, waxaana iskuulo u raadiyay caruurteyda, sidaa darteed wax walba waan qabanay.”

“Waxaa jira shaqsiyaad jooga kooxda kuwaasoo in badan ku caawinaya, markasta oo aad u baahato way joogaan, sababtoo ah Real Madrid waxaa jooga ciyaartoy badan oo ajnabi ah oo leh qoysas dhalinyaro ah.”

Intaas kaddib Xiddiga reer Belguim iyo Real Madrid ee Eden Hazard ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa wuxuuna yiri:

“Waxaan kaliya rajeynayaa inaan ciyaaro kubadda cagta inta aan awoodo, marwalbana waxaan isku dayaa inaan ku raaxeysto garoonka dhexdiisa, markaan howlgab noqdo waxaan awoodi doonaa inaan qiimeeyo guulaheyga, laakiin hadda muhiimadeyda waa in si fiican u ciyaaro oo aan baashaalo.”

“Ma aqaan waxa dhici doona sanado yar gudahood, waxaan isku dayaa in aan diirada saaro kulanka soo socda, hadda waxaan gaadhay da’da 30, waxaana u arka inaan ciyaari karo 5 ama 6 sano kale.”

Ciyaaryahanku wuxuu ku soo gabagabeeyay ka hadalka ciyaartoyda iyo kooxihii uu ugu jeclaa carruurnimadiisa wuxuuna yiri:

“Markii aan yaraa, kooxda aan sida aadka ah u daawaday waa xulka France, ciyaartoyda aan aadka u jeclaa waxay ahaayeen Zinedine Zidane iyo Thierry Henry, wayna adag tahay in la qiro taas taariikhdayda Chelsea darteed, laakiin waqtigaas waxaan jeclaa Arsenal sababtoo ah waxay haysteen ciyaartoy sida Sylvain Wiltord, Patrick Vieira iyo Robert Pires.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here