Hay’adda Towfiiq Al-khayriya oo deeq Raashiin ah u qaybisay boqolaal Qoys oo barakacayaal ah

0
48

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Hay’adda Towfiiq Al-khayriya oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ayaa deeq Raashiin ah u qaybisay 555 oo ay saameyn weyn ku reebtay Fatahaada uu sameeyey Wabiga Jubba, Raashinka ayaa waxaa ku deeqda Hay`adda Nima Al kheyriya ayaa loo qeybiyey dadkii  kusoo barakacay deegaanka Buuloguduud.

Madaxa Mashaariicda Hay’adda Towfiiq Al-khayriya Maxamed C/laahi Abdi ayaa umahadceliyey Wasaaradda Gargaarka Jubbaland, Hay`adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga Jubbaland iyo cid walba oo ka qeyb qaadatay in lasoo gaarsiiyo deeqda raashinka.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here