Hay’adda Tadaamun oo deeq raashin ka qeybisay magaalooyinka Bajeele iyo Wisil

0
47

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Hay’adda Tadaamun ayaa deeq Raashin ah u qeybisey kun iyo boqol qoys oo ku nool magaalooyinka Bajeele iyo Wisil ee gobolka Mudug, taa soo ka timid Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan waxaana fududeysay Wasaaradda Gargaarka Galmudug.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Wisil Abdi Garaad Cumar iyo Abdirisaq Shuuke Abshir Gudoomiyaha magaalada Bajeele ayaa deeqda lasoo gaarsiiyey.

Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here