Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, ayaa maanta 11 gaadiid ah oo sida shixnado kala duwan oo gargaar ah geysay deegaanno hoostaga degmooyinka Aadan yabaal iyo Al-kowsar ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Gaadiidkaan ayaa wada qeybaha kala duwan ee Raashinka, Daawoyin, Teendhooyin iyo agabyo kale oo muhiim ah, waxana gargaarkaan ka mahad-celiyay shacabka ku nool deegaanadaan, kuwaas oo iskugu darsoomeen abaaro iyo colaado.