Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo Doonyo gargaar ah u dirtay Deegaanka Janaale

0
45

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa waxa ay degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose u dirtay Doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay Deegaan xebeedka Jasiira.

Doonyahaan ayaa ku xiran doono Xeebta magaalada Marka ee caasimada Gobolkaas, waxaana intaas kadib looga daabuli doonaa Gaadiid si deegaankaas loo gaarsiiyo, waxaana gargaarka uu ka gooban yahay  qaybaha kala duwan ee raashinka.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here