Hay’adaha ka howlgala magaalada Baydhabo oo loogu baaqay in ay is diiwaangeliyaan.

0
305

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Maamulka degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaaladda Xasan Macalin Axmed Biikole iyo Hay’adaha iyo NGO- yada ka shaqeeya Magaaladaas.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii ay wada-shaqyen dhow u wada yeelan lahaayeen Hay’adaha ka Shaqeeya Baydhabo iyo Maamulka Dowladda Hoose ee Magaaladaas,waxaana kulanka sidoo kale ku sugnaa Guddoomiye Ku Xigeenka Maaliyada, Xogeyaha Dowladaha hoose iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha Dowlada hoose ee degmada Baydhabo.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaaladda Xasan Macalin Axmed Biikole ayaa Madaxda Hay’adaha Iyo NGO yada kala hadley in ay la shaqeeyaan Maamulka,asagoo ku Amrey in ay iska soo diiwan geliyaan Xafiiska Maamulka degmada si loo ogaado tirada Hay’adaha iyo NGO yada ka howlgala Magaaladaas.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Madaxda Hay’adaha iyo NGO yada inay Dhalinyarada Magaalada Baydhabo iyo tuulooyinka hoostaga ay Shaqaaleeysiiyaan si wax loogu qabto Bulshada Magaalada.
Ugu dambeyn waxaa uu u mahad celiyey Hay adaha sida gaarka ah ula shaqeeya Maamulka Degmada Baydhabo Sida hay’adda NRC,waxaana uuna ka dalbadey inay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada Magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here