Hay’ada SIF oo qalab Caafimaad ku wareejisay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo

0
418
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Hay’adda SIF ayaa Qalab soo Gaarsiisay Isbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo Qalabka ay Wareejisay Hay’adda SIF  ayaa Waxa uu ka Kooban yahay Gaari Ambalance ah iyo 6000 oo Gloves-ka Gacmaha Lagashado ah iyo 2500 oo ah Marada Afka lagu Xirto ee Lagaga Hortago Cudurka Caronavirus ah.
Qalabkaan ay Soo Gaarsiisay Hay’adda SIF  Isbitaalka ayaa Kusoo aaday Xilli Baahi weyn loo Qabo oo ay kordhayaan tirada dadka uu soo ridanayo cudurka caronavirus Deegaanada Dowlada Goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here