Haween Kismaayo ku xanaaneya Digaagga oo codsaday in lagu garab istaago

0
323
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Afar iyo labaatan  Haween ah oo qaarkood ay ka soo laabteen Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sanadkii 2018 waxaa ay la yimaadeen fikir ah in magaalada Kismaayo ay ka furaan xarun  Digaaga lagu xanaaneeyo,taas oo ay markaas u arkayeen in ay tahay fursad Ganacsi oo magaalada ka bannaan,waxaa ayna ku guulaysteen in xarunta xanaanada digaag ee midnimo booltari kismaayo ka hirgaliyaan iyaga oo caawimaad ka helaya Hay’addaha SWSO GIZ.
Shugri Cabdullaahi Waxay ka mid tahay Haweenka ku mideysan ka ganacsiga Digaaga, waxayna noo sharaxaysaa sida Digaaga loo xanaaneeyo iyo faa’iidooyinka uu leeyahay.
Dhanka kale Gudoomiyaha xarunta xanaanada Digaaga ee midnimo ayaa ka warbixisay  sida ay ku bilaabeen Ganacsigaan  iyo Caqabadaha ay la kulmeen intay shaqadaan ku guda jireen, waxayna Hay’adaha samafalka  iyo ciddii kale ee caawin karta ay ka codsatay in lagu garab istaago sidii ay u horumarin lahaayeen wax soo saarka Digaaga.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here