Harry Maguire oo Isku Qoray buuga Taariikhda Premier League.

0
71

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Harry Maguire ayaa isku qoray buuga taariikhda Premier League ka dib markii uu dhaliyay gool rikoodh noqday kulankii xalay ee Man United.

Kadib markii ay rigoore ku garaaceen Coventry City semi-finalkii FA Cup, Red Devils ayaa waxaa 1-0 ku hogaamineysay kooxda u hooseysa horyaalka ee Sheffield United ciyaartii Old Trafford.

Goolka Maguire ayaa noqday mid taariikhda galay. Waxa uu dhaliyay goolkii 1,085aad ee xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League taasoo la micno ah inay noqotay rikoodh cusub oo ah goolashii ugu badnaa abid ee hal xilli ciyaareed laga dhaliyo horyaalka Ingariiska.

Waxaa weli haray kulamo badan oo rikoodhka lagu sii dheereyn karo, iyadoo ay hartay 45 kulan balse Maguire ayaa haatan sheegan kara inuu yahay xiddigii jabiyay rikoodhka.

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee celcelis ahaa kulan walba oo Premier League ah la dhaliyo wax ka badan seddex gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here