Halyeey kooxda Liverpool ah oo ka hadlay goolal yarida Roberto Firmino

0
397

Liverpool(Idaacadda Waamo)- Halyeeyga kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa ka hadlay goolal yarida weeraryahanka rer Brazil iyo naadiga Reds ee Roberto Firmino.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa dhaliyay kaliya hal gool 14-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu ku ciyaaray maaliyada kooxda Liverpool, waana wax ka duwan rikoodhka gooldhalineed ee saaxiibadiis Mohamed Salah iyo Sadio Mane.

John Barnes ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Maya, doorka Roberto Firmino wuu yara ka duwan yahay, qasabna ma ahan inuu dhaliyo, runtii wuxuu kooxda u keenaa wax ka badan goolal”.

“Caawintiis Mohamed Salah iyo Sadio Mane ee goolka hortiisa, ayaa ka dhigeysa inuu kooxda siiyay wax weyn, wuxuuna sidaas ku cadeeyay xilli ciyaareedkii hore”.

“Seddex gooldhaliye sixir ah ayaa dhaliyay 57 gool, waxayna caawiyen 38 gool kale, tanina waa wax ay tahay inaan ku faanno, way ka yara duwan tahay kooxo kale oo badan, laakiin way shaqaysaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here