Haaland Oo Ka Xanaaqay Musuqa Man City Lagu Haysto, Wakiiladiisa Oo Uu Amray & Kooxda Gaad-Gaadaysa

0
114

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Mishiinka goolasha kooxda Manchester City ee Erling Haaland ayay qaar kamida warbaahinta England sheegayaan inuu ka cadhooday 100-ka kiis ee musuqa ah oo kooxdiisa dhawaan lagu soo oogay.

City ayaa lagu haystaa dambiyo dhinaca suuqa ah iyo wax is-daba marin taas oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn loo lafo-gurayay isla markaana laga faaloonayay ganaaxyada ay kooxdu mudan karto.

Haaland ayaa suuqii xagaaga ee sanadkii hore City heshiis 60 Milyan oo euro ah ugaga soo biiray dhinaca  Borussia Dortmund.

Haatan wargeyska Express Sport ayaa baahiyay warka weyn ee ah in Erling uu wakiiladiisa u sheegay inay baadhis ku sameeyan qandaraaskiisa City.

Heshiiska uu ku yimid Etihad Stadium ayaa ah mid 175 Milyan oo pound lagu jabin karo laga bilaabo xagaaga 2024.

Dhinaciisa wargeyska Defensa Central ee fadhigiisu yahay Spain ayaa xusay in Real Madrid xiisaynayso saxeexa 22 sano jirkaas si dhawna ula socoto xaaladiisa.

Madrid ayaa doonaysa bedelka kabtan Karim Benzema oo 35 sano jir ah xilli ciyaareedkana hoos u dhac ay dhaawacyo ugu horreeyaan ka muuqdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here