Gudoomiye Madaale oo kulan la qaatay wafdi ka socda WFP

0
45

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay wafti ka socday Hey’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan cunada ee WFP oo uu hogaaminayay Kuxigeenka Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya Marco Selva.

Madaxda Gobolka Banaadir iyo Hey’adda WFP ayaa ka wada hadlay xoojinta xiirirka labada dhinac, dardargelinta Howlaha Bani’aadannimo, taageerida Barakacayaasha iyo dadka nugul ee ku nool Gobolka Banadir, iyadoona labada dhinac ay kala saxiixdeen Heshiis dhigaya Wadashaqeynta, Tayaynta kor joogtaynta iyo la socodka mashaariicaha laga fulinayo Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here