Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maamulka Dowladda hoose ee degmada Kismaayo ayaa Hay’adda NRC kala wareegay Matoor ah nooca biyaha dhuuqa ah, kaas oo loogu talagalay in loogu shaqeeyo shacabka ku nool degmada Kismaayo,isagoona loo adeegsan doono saarista biyaha wasaqaysan ee fariista xaafadaha iyo meelaha ay bulshadu ku kulanto.