Gudoomiyaha Hay’adda barakacayaasha iyo qaxootiga Jubbaland oo ku baaqay in la caawiyo barakacayaasha

0
62

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Deegaanka Luglow oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose waxaa ku nool in ka badan sagaal kun oo Qoys oo barakacayaal ah, kuwaas oo markoodi hore ahaa xaalo dhaqato iyo Beeralay ay saameeyeen abaarihii dalka ka jiray ka dibna ay dowlada Jubbalannd halkaas dib u dajin ugu samaaysay .

Barakacayaashaan oo markii horba la daala dhacayay duruufo kala duwan oo dhanka nolosha ah ayaa waxaa saamaayn ku yeeshay roobabka dayrta ee maalmahaan ka da’ayay deegaanada dhanka waqooyi ka xiga Degmada Kismaayo dadka qaar waxaa ay ka barakeceen meelihii ay deganaayeen ka dib markii ay biyo ugu soo galeen.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here