Gudoomiyaha Gudiga Habdhowrka Golaha Wakiilada Jubbaland oo Xildhibaanada ugu baaqay inay mudo lix cisho ah kuso xaroodaan

0
140
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo waayadii dambe ku maqnaa fasax ayaa maanta waxaa loogu baaqey in mudo 6 maalmood ah dib ugu soo laabtaan si ay usii dar-dar galiyaan howlaha shaqo ee horyaala Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Gudoomiyaha Gudiga Habdhowrka Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Jubbaland Xildhibaan Shukri Weyrax Kaariye oo warbaahinta la hadlay ayaa Xildhibaanada Jubbaland ugu baaqay inay mudo lix cisho ah kusoo xaroodaan si loo dardargaliyo howlaha shaqo ee u yaala Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here