Gudoomiyaha Degmada Kismaayo oo kulan looga hadlayay bilic soo celinta Magaalada  laqaatay Maamulada xaafadaha  Magaalada Kismaayo 

0
189
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kulankaan uu gudoomiyaha cusub ee Degmada Kismaayo la qaatay Maamulada shanta xaafadood ee Magaalada Kismaayo iyo shirkada qashinka qaada ee Waamo ayaa ku saabsanaa horumarinta iyo bilic soo celinta Magaalada Kismaayo .
Sido kale Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa kormeer guud ku sameeyay xarunta dowlada hoose ee Degmada ,waxaa ayna hawl wadeenada Degmada ugu baaqeen in bulshada ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan .
Kormeerka iyo kulanka ka dib Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna duqa Magaalada Cumar Cabdullahi Maxamed Fara wayne ayaa ka warbixiyay kulanka uu la qaatay  maamulada xaafadaha Magaalada iyo kormeerka guud ee xarunta dowlada hoose waxaa uu bulshada reer kismaayo uu ugu baaqay inaay ka shaqeeyaan  horumarka Magaalada
Hamdi Maxamed Yaasiin, ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here