Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa maanta deegaanada galbeed ee magaalada Kismaayo gaarsiiyey deeq raashin ah oo ay dad muxsiniin ah u soo wakiisheen hay’adda Amoud relief and Development.
Bixinta deeqda Rashinka ayaa waxaa ka goob jooga ahaa qaar ka mid ah mus’uliinta Jubbaland iyo qaar ka mid ah barkacayaasha kunool galbeedka magaalada Kismaayo .
Abdinoor Samriye,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.