Gudoomiyaha Degmada Dooloow oo kormeeray xerada Barakacayaasha Qansaxleey

0
121

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Gudoomiyaha Degmada Doolow oo kulan bulsho la qaatay Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Maamulka xerada Barakacayaasha Qansaxleey ayaa ka xog wareystay xaaladaha guud ee Qansaxleey.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, baaahiyaha horumarineed ee ka jira Qansaxleey, mashaaricda la filayo, Gudoomiyaha ayaa si fool ka fool ah u hor fariistay qeybaha kala duwan ee bulshada Qansaxleey isagoo ka dhageystay baahiyooda ku qotoma adeegyada assasiga ah ee bulshada, gudoomiyaha ayaa sheegay in xeerada Qansaxleey laga fulin doono adeegyo horumarineed oo muhiim u ah bulshada.

Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here