Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Fariin Ku Saabsan Somaliland U Diray Beesha Caalamka.

0
392

Muqdisho(Idaacada Waamo)Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa beesha caalamka ugudbiyay qoraal uu ku sheegayo in barlamaanku diyaarinayo qaab gaar ah oo loogu talagalay doorashada kuraasta Somaliland.

Qoraalkaan oo xafiiska guddoomiyaha ka baxay lixdii bishaan, ayuu kula hadlayaa, Midowga Yurub, Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, isagoo u sheegaya in Somaliland qorsheyaal gooni ah ku yeelandoonto doorashada kuraasta wakiiladda matalaya barlamaanka soo socda.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in uu baarlamaanka si dhow ula shaqeyn doono guddiga qaran ee doorashooyinka, si loo ogaado loona xalliyo wixii farsamo ah ee saameyn ku yeelan kara dhaqan galka qaraarka Somaliland.

Qoraalka intiisa hore, waxaa guddoomiyaha barlamaanka beesha caalamka sharraxaad ka siinayaa sharciga cusub ee doorashooyinka ee dhawaan uu barlamaanku meel mariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here