Kismaayo(Idaacadda Waamo)Magaalada kismaayo oo soomartay Marxalado kala duwan ayaa waxaa ay magaalada laga dareemayaa Horumaro kala duwan iyo koboc Ganacsi oo Baaxad leh.
Gudoomiyaha Degmada kismaayo ibraahim maxamed Yussuf Timo Jilic oo lahadlay idacada waamo ayaa shegay in ay Degmada kismaayo sanadkii tagay ay ku tallaabsatay hourmaro badan waxuna shegay in ay bilowga sanadkaan Hiigsanayaan Qorshayaal Dhowr ah oo ay kamaid tahay in magaalada laga hirgaliyo 16 wado oo laami ah.
Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.