Gudiga Qaran ee xuska maalmaha xoriyadda oo kormeeraya goobaha qabanqaabadu ka socoto

0
27

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka arrimaha gudaha dowladda FS Cali Yuusuf oo ah guddoomiyaha guddiga Qaranka ee todobaadka xorriyadda oo ay wehliyaan xubnaha guddiga ayaa kormeeray goobo kala duwan oo ay ka socdaan diyaargarowga munaasabadaha todobaadka xorriyadda ee 26-ka June iyo 1da Luuliyo.

Guddoomiyaha guddiga Qaran ee qaban-qaabada dabaaldegyada todobaadka xorriyadda waxaa kormeerka ku wehiyey guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ahna ku simaha duqa Muqdisho, wasiiru dowlaha wasaaradda hawlaha guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dowladda FS Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyagoo u kuurgalaya habsami u socodka u diyaar garowga maalmaha xorriyadda dalkeena.

Guddiga ayaa kormeeray goobaha kala ah Xeebta Liido oo ay kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed heeso ku saabsan Xorriyadda kusoo bandhigayeen iyo Beerta Nabadda oo ay kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka ay ka wadeen wacyigelin ku aadan u diyaar garowga todobaadka xorriyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here