Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Gudiga hirgalinta doorashooyinka heer doowlad goboleed ee Jubbaland iyo gudiga baarlamaanka Jubbland u qaabilsan qabashada doorashada xilibaanada aqalka sare ayaa kulan ku yeeshay magaalada kismaayo iyagoona iska xog wareystay qaabka ugu wanaagsan ee loo qaban karo doorashada xilibaanada aqalka sare.
waxa ay kormeer ku tageen goobaha lagu tala galay in ay ka dhacdo cod bixinta doorashada xubnaha aqalka sare Soomaaliya.
gudoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen ayaa kormeerka ku wahlinayey gudiga doorahada waxa ay dhankooda indho indheyn ay ku sameenayeen goobaha cod bixinta.
Fartuun Nuur Aadan,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.