Guddoomiye kuxigeenka gobolka  Gedo oo ka warbixiyay roobab qasaare Gaystay oo ka da,ay Gobolka Gedo

0
365

Kismaayo(Waamo Radio)Roobab lixaad leh oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay Gobolka Gedo aya saamayn ku yeeshay dadka danyartaa ee ku nool qaybo kamid ah Gobolka Gedo

sida baardhere ,doolow iyo baladxaawo  sidoo kale wabiga jubba aya asna fatahaad sameeyay Meelaha Qaar ka mid ah Gobolka .
Haddaba Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo  Maxamed  Xassan Isaaq aya faahfahin kabixiyay qasaaraha ka dhashay roorabab ka halkaasi ka da’ay iyo fahtahaada uu sameeyay wabiga Jubba  waxa uuna sheegay in robab ka da’ay iyo fatahaada wabiga ay dhibaato ka soo gaartay dadka shacabka ah

Dhanka kale Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa Xaqiijiyay in fatahaada uu Wabigu  Sameeyay  ay ka dhasheen  Burbur hantiyed iyo mid nafeed intuba  .

Inta badan xiliyada ay roobabku da’aan ayaa Waxaa fatahaado sameeya labada Wabi ee Jubba iyo shabeele kuwaas  oo Mararka qaar Gaysta qasare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here