Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti kala hadlay xariirka labada Baarlamaan

0
32

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa intii uu joogay Jabuuti waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo madax kale, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dowladood gaar ahaan xiriirka labada baarlamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here