Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda Carafo

0
137
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubabdda Cagta mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa guud ahaan ummadaha Islaamka gaar ahaana shacabi weynaha Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul Adxa oo barri ku beegan.
“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxaan ugu hambalyeynayaa bilashada munaasabadda Ciidul Adxa”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed [Cali Shiine].
“Waxaan u rajeynaya shacabka Soomaaliyeed in ay si nabad ah oo qurux badan u ciieystaan, waxaana Allah ka baryayaa in ciidan ciideeda uu nabad iyo barwaaqo ku gaarsiiyo ummadda Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay
guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed [Shiine].

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here