Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

0
8

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

Kulanka waxa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee qurbo-joogta Soomaaliyeed ku leeyihiin howlaha samatabixinta iyo taageerada dadka nugul, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka jiraan xaaladaha bani’aadantinimo iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa amaan iyo mahadnaq u jeediyay qurbo-joogta Soomaaliyeed, isagoo xusay in taageeradooda joogtada ah ay door muuqda ka qaadato hawlaha SoDMA ee gurmadka iyo adeegga bulshada.

Labadda dhinac ayaa ku ballamay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo qurbo-joogta, si loo horumariyo qorshayaasha samatabixinta iyo ka jawaabidda musiibooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here