Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo Dhuusamareeb gaartay

0
352

Dhuusamareeb-(Idaacadda Waamo)-Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa gaaray Wafdi ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo horey halkaasi ugu sugnaa iyo Madax ka tirsan Galmudug.

Wafdiga ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa waxaa la filayaa inay kulan la qaataan madaxda Galmudug iyo saraakiisha Ciidamada,iyaga oo kala hadli doona howlaha doorashooyinka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here