Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka Carabta

0
31

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Ururka Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Alymaaxi.

Xubnaha Baarlamaanka Carabta oo kulan ku yeeshay magaaladda Qaahira ee Caasimadda Wadanka Masar ayaa Guddoomiyaha cusub ee Ururka u doortay Mudane Maxamed Alymaaxi.

Guddoomiyaha cusub ee la doortay oo kasoo jeeda wadanka Imaaraadka Carabta ayaa xilka hayn doona mudo laba sano ah,waxaana Soomaaliya uga qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ururkaas ku matala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here