Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo kormeer sameeyay

0
285

Buula-burde(Idaacada Waamo)Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa maanta booqday gobaha ganacsiga degmada Buul-burde,waxana kormeerka ku wehlinay maamulka degmada saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoona sheegay in magaalada Buulo-burte ay tahay mid amni ah.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ciidamada amniga kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan sugida amniga iyo shaqada muhiimka ah ay Qaranka u hayaan.

Ugu dambeyntii,Guddoomiye Caraale ayaa Bulshada ku dhaqan degmada Buula-burde ugu baaqay iney la shaqeeyaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here