Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay Waddo dayactir lagu sameenayo

0
76
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Gudoomiyaha  Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska Wadada Laamiga ee isku xera Isgoyska Kaaraan illaa Aargada Liido ee Degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan, taasi oo qeyb ka ah Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.
Dhagax-dhiga wadadaan oo noqoneysa wadadii 15-aad ee uu dhagax-dhigo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna wadaan la dhagax dhigay ayaa waxaa ay  door muhiim ah ka qaadaneysaa fududeynta isku socodka Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo Dalxiiska xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here