Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo Xalay ka qeybgalay munaasabada Somali Night Awards

0
30

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay munaasabada Somali Night Awards, kaasi oo abaalmarino lagu guddoonsiinaayay Shirkado, Ganacsiyo iyo Shaqsiyaad Horumaro iyo sumcad ku dhex leh Bulshada dhexdooda.

Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay fikirka quruxda badan oo ay la yimaadeen dhalinyarada iyo aas aasayaasha Somali Night Awards, asigoona halkaasi ku gudoomay bilad sharaf loo gartay Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana lagu dhiira gelinayay Maamul Wanaaga iyo horumarka Caasimadda.

Madasha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here