Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa si rasmi ah dhagax dhigay waddo Interlock ah oo laga hirgelinayo Waaxda Faanoole ee isla degmadaas.
Mashruucan cusub ayaa ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda deegaanka, iyadoo la filayo in waddadasi ay si weyn uga qayb qaadato fududeynta isu socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana kor u qaaddo nolosha bulshada ku dhaqan Waaxda Faanoole.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.