Guddiga horumarinta adeegga bulshada ee golaha shacabka oo kulan la qaatay midowga Jaamacadaha dalka

0
31

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Midowg Jaamacadaha Dalka iyo Ururka Cilmi baarista Soomaaliyeed ,waxaana kulanka shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhageysiga Midowg Jaamacadaha Dalka iyo Ururka Cilmi baarista Soomaaliyeed sida ay u arkaan Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo uu guddigu ku guda jiro Diyaarinta Warbixinta Akhrintiisa labaad, waxaana Guddiga uu Midowga Jaamacadaha Dalka iyo Ururka Cilmi baarista Soomaaliyeed ka dhageystay talooyin la xiriira hindise sharciyeedkan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay inuu Sharcigan muhiimad weyn u leeyahay bahda waxbarashada Dalka ayna sii wadi doonaan la kulanka bulshada qeybaheeda kala duwan si gaar ah bahda waxbarashada Dalka si Akhrintiisa labaad loo horgeeyo Golaha Shacabka loogana doodo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here