Guddiga doorashooyinka Qaranka oo kulamo ka wada Jowhar

0
284

Jowhar-(Idaacadda Waamo)-Shalay Gelinkii hore ayey Magaalada Jowhar gaareen Wafdi ka socdo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka,kaas oo ay hogaaminayso Kumishineer Khadiija Cosoble Cali,waxaana ay halkaasi ka bilaabeen kulamo kala duwan.

Xubnaha wafdiga oo ka kooban kumishineero, lataliyayaal, agaasimayaal iyo hawl wadeeno ayaa waxaa ay la kulmeen qaar kamid ah Bulshada qeybaheeda kala duwan ee Magaalada Jowhar,iyaga oo kala hadlayay wacyigalin iyo warsiin laxariirta arimaha doorashooyinka lagaarsiiyo muwaadiniinta soomaaliyeed ee kunool Dalka gudihiisa.

Xubno ka socda Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda inay Jowhar kula kulmaan qaar kamid ah Madaxda ugu sareysa Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Guddiga ayaa horay socdaalo khuseeya howlaha wacyigalinta ugu tagay Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug,waxana haatan ay ka bilaabeen deegaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle,iyaga oo tegi doona Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here