Griezmann oo hor istaagay inay Barcelona dib ula soo saxiixato Neymar Jr

0
317

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa lagu soo warramayaa inuu hor istaagay in kooxda reer Spain ay dib ula soo saxiixato laacibkeedii hore ee Neymar Jr.

Agaasimihii hore Barcelona ee Eric Abidal ayaa shaaciyay in Barca ay dooneysay lasoo saxiixashada Neymar hase ahaatee, saxiixii Griezmann ee xagaagii 2019 ayaa sabab u noqday in kooxda ay awoodi weyso soo celinta xiddiga Paris Sain-Germain.

Abidal oo Blaugrana kula guuleystay Champions League labo jeer ayaa xaqiijiyay in isaga iyo Oscar Grau ay u safreen Paris toban maalmood ka hor inta uusan xirmin suuqa xagaaga si ay ula soo saxiixdaan Neymar oo xilli wacan ku qaatay Camp Nou afartii sano ee uu ku sugnaa intii u dhexeysay 2013 ilaa 2017.

“kama aanan fikireyn xiddiga fiican, waxaan Neymar u dooneynay inuu yahay booska ay Barca u baahan tahay, kooxdu waxay u baahneyd garab rasmi ah, balse Madaxweyniha (Josep Maria Bartomeu) ayaa go’aansaday saxiixa Griezmanna” ayuu yiri Abidal.

Daafacii hore ee Faransiiska ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay inay 100% soo qaadan lahaayeen Neymar haddii aysan la soo wareegi lahayn xiddigii hore ee Atletico Madrid kaasoo caqabad ku noqday in Barcelona ay dib usoo ceshan weyso weeraryahanka xulka qaranka Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here