Gool-haye Ikar Casillas oo u tartamaya madaxtinimada xiriirka kubadda cagta Spain

0
404

Kismaayo(Idaacada Waamo) Gool-hayaha kooxda Porto Ikar Casillas aya sheegay in uu u tartamayo xilka madaxtinimo ee xiriirka Kubadda cagta ee Spain.

Casillas ayaa xulkiisa Spain u saftay 167 kulan wuxuuna ku hoggaamiyay in hantaan koobkii Adduunka ee 2010-kii iyo tartamada Yurub 2008 iyo 2012-kii.

38 jirkaan ayaa ku sugnaa kooxda Porto tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay real Madrid 2015-kii.
Ma uusan shaacin xilliga uu ka fariisanayo ciyaarista kubadda cagta, balse waxa uu mahadceliyay Madaxweynaha kooxda Porto oo fursad u siiyay u tartamidda RFEF.

“Haa, waan u taaganahay xilka Madaxtinimo ee RFEF waana u tartamayaa marka la gaaro doorashada”.

Iker Casillas Fernandez ayaa ayaa ku dhashay Mostoles oo katirsan Spain May 1981, wuxuuna xirfaddiisa cayaaraha soo billaabay 1990-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here