Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Goobaha dharka lagu tolo ee Magaalada Dhoobley ayaa waxaa kajiro mashquul aad u badan iyadoo inta badan dadku ay isku diyarinayaan inay sii toshaan dharka ay ku ciidi lahaayeen inta an lagarin xiliga cida madama dunida muslimka oo dhan ay u tahay malinta Ciida Carafo maalin aad u weyn.
Qaar kamid ah Harqaanleyda Magaalada Dhoobley ayaan ka warbixiyay qaabka ay u shaqeeyaan xiliyadan oo kale waxayna sheegeen in waqti badan ay shaqeeyaan taasi oy sabab u tahay dalabka faraha badan oo ay ka helayaan dadka u diyaar garoobaya munaasabada ciida Carafo.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.