Golaha Wasiirada Puntiland  oo ansixiyay odoroska Miisaaniyda 2020 ka

0
323

Kismaayo(Idaacada Waamo)Golaha Wasiirada Puntland ayaa caawa ansixiyay oroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka.

Oroska Miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $346,416,158.99 malyan oo Dollar, ayaa waxaa Golaha u gudbisay wasaaaradda Maaliyadda dowladda Puntland.

Kulanka Gollaha Wasiirada waxaa shir gudoomiyay madaxweyne, Saciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo  madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo xubnaha Wasiirada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi oo faahfaahin ka bixiyay oroska Miisaaniyadda 2020-ka, ayaa sheegay lagu saleeyey baahiyaha as’aasiga ah  iyo sida ay u kala mudan yihiin iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad la heli karo.

Odoroska Miisaaniyada 2020-ka, waxaa  ka dhex muuqda lacago la sheegay in loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe -Bosaaso, sidoo kale waxaa kamida dhismayaasha ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo kor u qaadista Amniga.

Shirku marka uu Soo dhamaaday waxaa faah-faahin ka bixiyay shirkan iyo waxyaabaha looga hadlay af-hayeenka Madaxtooyada Puntiland Jaamac Yuusuf Dabaraani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here