Golaha Wasiirada Jubbaland oo ansixiyay miisaniyada Sanadka 2021

0
230
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo ay kasoo qeyb galeen Xubnaha golaha oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka koobaad.
Ugu horayn Wasaarada Maaliyada ayaa golaha usoo bandhigtay miisaniyada Sanadka 2020-2021 iyadoo akhrin iyo ka doodis dheer kadib ay golahu ansixiyeen waxaana miisaaniyadu ay dhan tahay 25,032,449,70 taas oo ka kala imanaysa meelo kala duwan.
Waxaa kale oo golahu uu doodii ugu danbaysay ka yeeshay xeerka Cusub ee hormarinta Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah waxaana golahu uu ku ansixiyay cod buuxa.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ENG  Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa Warbaahinta u aqriyay waxyaabihii looga hadlay Shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here