Golaha Shacabka Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedo dhawr ah

0
321

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ayaa waxa ay meel mariyeen hindise sharciyeedyo kala duwan oo gaaraya ilaa iyo 7 hindise sharciyeed.

Hindise sharciyeedyada ay meel mariyeen mudanayaasha aqalka hoose ayaa waxa
ay kala yihiin hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka ee heer federal,
hindise sharciyeedka duulista rayidka, hindise sharciyeedka jaan-goynta iyo tayo
dhowrka dalka, hindise sharciyeedka tirakoobka qaranka, hindise sharciyeedka
xeerka warbaahinta, hindise sharciyeedka howlgabka iyo xaqsiinta ciidamada,
hindise sharciyeedka dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here