Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

0
394

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Golaha Aqalka sare ee ย Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay laba kulan oo si xigay, kuwaas oo kala ah kulammada 38-aad iyo 39-aad, ayaa meel mariyay sharciga Jaangoynta iyo Tayada dhowrka Soomaaliyeed.

Kulanka oo uu Shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaahi Cabdullahi.ayna goob joog ahaayeen Guddomiye ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Senator Moowlid Xuseen Guhaad ayaa ka hadlay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ganacsiga iyo Maaliyadda Senator Deeqo Xasan Xuseen ayaa soo jeedisay qodobbadii wax ka baddelka lagu sameeyey xeerkan.

Senatorrada golaha Aqalka sare ayaa suโ€™aalo dheeraad ah ka weydiiyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaarada ganacsiga oo hor yimid Golaha Aqalka Sare, isagoo ugaย  jawaabay dhammaan suโ€™aalihii la weydiiyey, waxaana sanotorradu ay codsadeen in la galo kulanka 39-aad si loo ansixiyo maadaama uu sharcigan dalka muhiim u yahay.

Guddoonka ayaa furay kulankii 39-aad isla maanta, waxaana Guddoomiyaha guddiga Ganacsiga iyo Maaliyadda Sanotor Axmed Cabdi Dhuxuloow (Dheg-dheer) uu codsaday in la ansixiyo sharciga maadaama akhrinta seddexaad la dhammeeyey.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, waxaana codeeyay 28 Senator cid ka aamustay ama diiday ma jirin sidaas ayuuna ansax ku yahay, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Dhanka kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Golaha Aqalka Sare uga mahadceliyay meel marinta sharcigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here