Gary Neville Oo Sheegay Hal Arin Oo Uu Declan Rice Ku Xun Yahay.

0
55

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Inta lagu guda jiro muuqaalka Stick To Football podcast, Gary Neville wuxuu tilmaamay hal shay oo uu Declan Rice ku xun yahay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal ayaa haatan ku guda jira waajibaadka xulkiisa England bishaan.

Waxaa ku biiray ciyaartoyda sida Kobbie Mainoo iyo Jude Bellingham, waxana uu Neville sheegay halka shay ee ay labada xiddig kaga fiican yihiin Rice.

Halyeeyga Manchester United ayaa sharaxay: “Waxaan filayaa in aan arintan Rice ka idhi dhawr sano ka hor, Rice kuma fiicna helista kubada marka uu ku jiro meelaha cidhiidhiga ah”.

“Waxa uu ku fiican yahay in uu kubada helo marka uu kubada kula ordayo dhinaca weerarka”ayuu sii raaciyay.

Rice ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan isaga oo door weyn ka ciyaaray in ay Arsenal hogaaminayso horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here