Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Degmada Dhoobley oo kamid ah Degmooyinka istaraatiijiga ah ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa kasocda horumar cusub, iyadona dib-u-dayactir lagu sameeyay garoonkeeda diyaaradaha oo muhiim u ah iskusocodka Ganacsiga iyo bulshada.
Guddoomiyaha degmada, Xassan Cabdi Xaashi, ayaa kawarbixiyay tallaabadan muhiimka ah, ee lagu dayactiray garoonka diyaaradaha isagoo xusay in dayactirkaasi uu kor u qaaday isku socodka, iyo adeegyada deegaanka.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.