Ganacsiga magaalada Gaalkacyo oo dib u furmay

0
346

Gaalkacyo(Idaacada Waamo)Wararka aan ka helayno waqooyiga magaalada gaalkacyo ayaa ku soo wamaraya in maanta uu dib u furmay ganacsigii magaaladaasi, ka dib markii ganacsatada ay shaqo joojin wadeen muddo seddex maalin ah.

Axmed Muuse Nuur guddomiyaha gobolka Mudug qeybta Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ganacsiga magaalada Gaalkacyo uu shaqeynayo islamarkaana aysan jirin ganacsiyo xiran.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobalka Mudug oo sii hadlayay ayaa carabka ku dhuftay in khilaafka ka dhashay canshuur kordhinta ay u saareen guddi ganacsato ah kuwaas oo uu sheegay in maanta ay shir la yeelan doonaan si xal looga gaaro arrinkan, isaga oo si cad u cadeeyay in uusan jirin ganacsi xiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here