Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Bur burkii dalka ka dhacay waxaa uu meesha ka saaray adeegyo badan oo ay dowladu shacabka u qaban jirtay ‘balse 10kii sano ee ugu danbaysay waxaa muuqata in adeegyada dowlad ay si tartiib tartiib ah ay usoo labanayaan bulshaduna ay la soo qabsanayaan nidaamka dowlig ah.
Maamulka dowlada hoose ee deegmada Kismaayo ayaa wada qorshe sanadka cusub ee 2021 goob kastoo ganacsi oo ku taala kismaayo loogu jarayo shatiga dowlada hoose si ay bulshadu ula qabsadaan nidaamka dowlad nimada.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.